Home Arimaha Bulshada Waa Maxay Jacaylka Aragtida Koowaad? Maxaadse Ku Garanaysaa In Uu Jacaylkaas Kugu...

Waa Maxay Jacaylka Aragtida Koowaad? Maxaadse Ku Garanaysaa In Uu Jacaylkaas Kugu Dhacay? – Allsomali.net


Jaceylka aragtida koowaad maahan sheeko ama dhalanteed, laakiin waa wax dhab ah, dadka badankiisuna waxay aaminsan yihiin in jaceylka aragtida koowaad uu ku dhaco qof walba, waana in aad jeclaato qof aad markii ugu horaysay aragtay oo aanad horay aqoon ugu lahayn, ama qof ku soo jiita marka ugu horaysa ee aad aragto inkasta oo aanad horay u arkin.

saynisyahannada ayaa sheegaya in maskaxdu go’aan ku gaadho muddo 10 il bidhiqsi ah kadib ay ka hesho qofka isla markaasna jeclaato qof aanu aqoon u lahayn iyada oo ku jeclaan karta quruxdiisa dibada.

Sababta ayaa ah in maskaxdu isku xirto quruxda iyo wanaaga, waana mid ka mid ah sababaha ugu waa weyn ee dadka ugu soo jiidashada badan ay ugu dhowdahay inay ku dhacaan jacayl aragtida koowaad, laakiin khubarada ayaa ku sifeeya siyaabo aad u kakan, sida cilmi baaristu tilmaamayso jaceylkan inta badan waxa uu ku salaysanyahay himilada iyo waxyaabaha fiican ee lamaanaha iyada oo ay dhacdo in jacaylka noocan ah muddo dheer oo sanado ah socdo.

Calaamadaha jacaylka Aragtida koowaad:

Waxaa jira calaamado dhowr ah oo lagu garto Jacaylka Aragtida koowaad waxana ka mid ah:

1.khalkhal jir ahaaneed: Marka jacaylka Aragtida koowaad ah kugu dhoco waxa aad inta badan dareemaysaa wal-wal iyo calool xanuun iyada oo ay sabab u tahay isku darka farxada iyo cabsida ah in uu qofku ku diido iyo waliba aragtida aad ku doonaysid in aad saamayn fiican ku yeelatid qofka aad jeclaatay.

2.Isku dayga inaad soo jiidato: Mid ka mid ah astaamaha jacaylka aragtida koowaad waa in la sameeyo ficillo badan oo lagu soo jiito dareenka qofka kale, iyo in la hubiyo in indhihiisu u jeedaan xagaaga, adiga oo u hadlaya qaab cajiib ah si aad u soo jiidatid dareenka qofka kale.

3.U dhaqan si qumman: jacaylku wuxuu qofka ka dhigaa inuu u fikiro oo u dhaqmo si wanaagsan iyo inuu ku fiicnaado maaddaama uu la kulmayo qof uu ka rabo arimo jacayl iyo Guur waxana la rumaysanyahay in uu dareensanyahay in ay wax walba hagaagi doonaan oo uu ku guulaysan doono qalbiga qofka uu jecelyahay.

4.Fikirka joogto ah: Qofka jeclaada qof kale kulanka koowaad, waxa uu mar walba ku jirayaa mashquul uu ku mashquulsanyahay qofka uu jeclaaday iyada oo ay xitaa mararka qaar qalbiga ku hayo sawirka qofka uu jeclaaday maalinta oo dhana ka fikiro waliba uuna diirada sari karin noloshiisa kale.

5.Rabitaanka in wax walba la ogaado: qofka jacayl u qaada qof kale aragga koowaad, had iyo jeer wuxuu doonayaa inuu ogaado wax kasta oo la xiriira qofka kale.

6.in Aad Diirada Saartid Araga Indhaha: In aad indhaha u saarto indhaha qofka kale waliba ku adeegsatid indhaha si aad u ogaatid in uu qofku kuu qabo dareenka aad adigu qabtid waa calaamad kale oo lagu ogaado Jacaylka aragtida 1-aad.

7.Doonista In Aad La Hadashid Qofka Kale: Rabitaanka ah in aad si joogyo ah ula hadashid qofka aad jeceshahay Aragtida koowaad waa calaamad kale oo ka mid ah jacaylka Aragtida koowaad.

 

Source link