Home Ciyaaraha Virigl van Dijk Vs Romelu Lukaku? Iska Hor Imaadka Labada Xiddig Oo...

Virigl van Dijk Vs Romelu Lukaku? Iska Hor Imaadka Labada Xiddig Oo La Saadaaliyay, Midee Gacan Sarayn Doona. – Banaadirsom

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa rumaysan in uu Virgil Van Dijk u babac dhigi doono weeraryahanka Romelu Lukaku marka ay kooxaha Liverpool iyo chelsea iska hor yimaadaan Sabtida

Kooxda Chelsea ayaa la soo saxiixatay Lukaku waxana uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankiisii ugu horeeyay isaga oo kabaha la dul maray kooxda Arsenal Axadii.

Laakiin Jamie Carragher ayaa sheegay in uu daafaca Reds gacan sarayn doono waliba joojin doono Romelu Lukaku kulankooda Sabtida soo socota ee horyaalka premier League.

“Liverppool iskuma badali doonto chelsea, Liverpool waxa ay haysataa daafac joojin kara cid walba”ayuu Jamie Carragher yidhi.

“Virgil Van Dijk waa daafaca kaliya ee Premier League joojin kara Romelu Lukaku”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link