Home Wararka Maanta Vedio: Taageero loo muujiyey go’aankii cuslaa ee MD Farmaajo xalay qaatay

Vedio: Taageero loo muujiyey go’aankii cuslaa ee MD Farmaajo xalay qaatay





Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xaashi ayaa si qoto dheer uga hadlay xeerkii madaxweyne farmaajo xalay ku joojiyey in heshiisyo caalami ah ay geli karaan xilligaan Hay’adaha kala duwan ee Dawlada Soomaaliya.

Prof, Xuseen Warsame oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Dalka Canada ayaa fasiraad ka bixiyey xeerkii madaxweyne farmaajo soo saaray xalay isagoo waxa dastuurka Soomaaliya qaba ku sifeeyey xeerkaasi.

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay go’aankii xalay madaxweyne Farmaajo qaatay ee aheyd inuu mamnuucay heshiisyo inay geli karaan marxalada kala guurka iyadoo lagu jiro Hay’adaha kala duwan ee Dawlada Soomaaliya xilli warar soo baxay ay sheegayeen in is afgarad dhawaan gaareen R/wasaare Rooble & Madaxweyne Uhuru Kenyatta waloow xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho midna aysan ka hadlin arinta is afgaradkii lagu gaaray London isbuuc ka hor.

 




Source link