Home Wararka Maanta Vedio: Rooble Oo Arimo culus ka hadlay & digniinta doorashada uu soo...

Vedio: Rooble Oo Arimo culus ka hadlay & digniinta doorashada uu soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayuu ugu horeyn kala diray guddoonkii dhawaan ay doorteen labada garab ee kala metalayey Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddigii Mahdi Guuleed ka socday.

Mudane Rooble ayaa sheegay xafiiskiisa uu soo sheegi doono xilliga iyo buqcada doorashada guddoonka lagu qaban doono.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa sidoo kale kaga digay Xubnaha guddiga doorashada Labada Aqal ee Gobollada Wuqooyi inay ku dhex milmaan siyaasiyiinta xildoonka ah uguna baaqay inay noqdaan kuwo cadaalad fuliyeyaal ah.

R/wasaare Rooble ayaa shalay kulan la qaatay R/wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar & Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi,islamarkaana uu amray inay xal deg deg ah ka gaaraan kala aragti duwanaashiyaha ka dhex jira.

Source link