Home Ciyaaraha UEFA Oo Shaacisay liiska Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Yurub....

UEFA Oo Shaacisay liiska Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Yurub. – Banaadirsom

UEFA ayaa soo saartay Liiska xiddigaha u tartami doona xiddiga ugu fiican ee xilli ciyaareedkii hore iyada oo ay abaalmarinta ku tartamayaan 3 xiddig oo khadka dhexe ah.

Waxa Abaalmarinta sanadkan ku tartami doona xiddigaha Banaadirsom chelsea ee Jorginho iyo N’Golo Kante kuwaas oo kooxdooda chelsea kula guulaystay champions League xilli ciyaareedkii hore.

Sidoo kale xiddiga Kevin De Bruyne ayaa kula tartamaya abaalmarinta xiddigaha Banaadirsom cheslea kadib markii uu kooxdiisa geeyay final-kii tartanka Champions League xilli ciyaareedkii hore.

Kevin De Bruyne (Manchester City & Belgium):

Xiddiga kooxdiisa geeyay Final-ka champions League ayaa dhanka kale kula guulaystay premier League laakiin waxa uu dhaawac uga baxay final-kii tartanka champions League.

Jorginho (Chelsea & Italy):

Jorginho ayaa noqday xiddigii 10-aad ee ku wada guulaysta champions League iyo Euro-da kadib markii uu kula guulaystay xulkiisa iyo kooxdiisa chelsea kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay.

N’Golo Kanté (Chelsea & France):

Xiddigan ayaan odhan karnaa waxa uu ahaa xiddigii ugu fiicaa chelsea final-kii champions League isaga oo ku guulaystay xiddiga ugu fiican labadii kulan ee ugu dambeeyay champions League.

Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha kale ee kaalmaha dambe ka galay tartanka loogu jiro Abaalmarinta:

4 Lionel Messi (Barcelona, now at Paris & Argentina) – 148 dhibcood

5 Robert Lewandowski (Bayern & Poland) – 140 dhibcood

6 Gianluigi Donnarumma (AC Milan, now at Paris & Italy) – 49 dhibcood

7 Kylian Mbappé (Paris & France) – 31 dhibcood

8 Raheem Sterling (Man. City & England) – 18 dhibcood

9 Cristiano Ronaldo (Juventus & Portugal) – 16 dhibcood

10 Erling Haaland (Dortmund & Norway) – 15 dhibcood

Sii Akhriso: Sababaha Ay Dumarku U Doorbidaan In Ay Guursadaan Ninka Xaaska Leh Oo La Ogaaday.

Source link