Home Arimaha Bulshada U Gaar Ah Ragga: Saddex Sabab Oo Keenta In Ay Gabadhu Ka...

U Gaar Ah Ragga: Saddex Sabab Oo Keenta In Ay Gabadhu Ka Tagto Ninka Xitaa Hadii Ay Si Dhab Ah U Jeceshahay, Iska Ilaali Ninow


Dareenka jacaylku ma yaqaan xukunno iyo barnaamijyo, ama cuqdad, ama dulqaad la’aan … ma lahan qeexitaan la taaban karo. Ma taqaanno xaddid, maqnaan ama diidmo, Isla mar ahaantaana, uma baahna dadaal badan, sida dadka qaar u maleeyaan.

Xidhiidh walba oo ka dhexeeya laba qof dadaal yar ayaa loo baahanyahay, marka qaar ka mid ah dadaladaas ayna jirin xidhiidhka ayaa si xun ku dhamaada.

Maqaalka soo socda, waxaan ku soo bandhigi doonnaa 3 sababood oo waaweyn oo haweeneydu uga tagto ninka ay jeceshahay:

1.Marka Ay Gabadhu Dareento Cidlo:

Gabadhu dabeecad ahaan waxa ay jeceshahay in ayna dareemin kalinimo, hadii uuna Ninku garab taagnayn waliba taageerayn waxa ay dareemaysaa in ayna muhiim u ahayn in ay ninka la sii socoto xitaa hadii ay jeceshahay.

2.In Uuna U Fiirsan waxa ay u sheegayso:

Dhanka ugu xun ee dhaawaca dumarka waa in uuna gacaliyeheedu u fiirsan waxa ay u sheegayso, waxa saamayn ku yeesha hadalka waxana ay u baahantahay in ay dareento in uu gacaliyeheedu fahmay hadalkeeda waliba uu Ixtiraamayo, marka ay doonayso in ay sheekaysato Gacaliyeheea waxa ay u baahantahay in ay dareento in uu xidhiidh is faham kala dhexeeyo.

3.Marka Ay Dareento In Aanu Ninku Doonayn In Uu U Galmoodo:

U jeedka Ragga ee kulanka sariirta wuu ka duwanyahay mida dumarka, Dumarku waxa ay kulanka sariirta uga baahanyihiin shukaansi hore iyo salaaxid iyo waliba in uu mid xiiso leh noqdo marka ay odaygeeda kula kulmayaan sariirta Sidoo kale waxa ay jecelyihiin in ay dareemaan in ay muhiim u tahay gacaliyeheeda laakiin hadii arimahaas ka maqan yihiin gabadha ayaa isaga tagaysa Ninka xitaa hadii ay jeceshahay.

Source link