Home Arimaha Bulshada U Gaar Ah Ragga: Ma Jirtaa Gabadh Mar Walba Ku Diida Marka...

U Gaar Ah Ragga: Ma Jirtaa Gabadh Mar Walba Ku Diida Marka Aad Jacaylkaaga U Soo Bandhigtid, Halkan Kaga Bogo 5 Wado Oo Aad Ugu Guulaysan Kartid Qalbigeeda


Waxaad jeceshahay gabadhan oo umuuqata inay ku dheehantahay waxkasta oo aad Gabadh ka rabto, laakiin hal dhib ayaa jirta, dhibtaas ayaana ah in ayna dareemayn sida aad dareemayso hadaba sidee Ayaa ugu guulaysan kartaa qalbigeeda hadii ay gabadhaas ku diido.

1.Isku day inaad ku dhaqaaqdo adoo maskaxdaada ka saaraya diidmada

Horay u socodka marka ay gabadhu ku diido waxa laga yaabaa in ay aad u adagtahay laakiin waa habka saxda ah ee aad maskaxdaada uga dhigi kartid mid faraxsan, waxa intaas sii dheer in aad ahayd qof iska caadi ah ka hor intii aanad gabadha la kulmin.

“Waa maxay sababta ay Gabadhu ii diiday?, tollow maxaa iga khaldan? waa su’aalaha ku soo dhici doona maskaxdaada laakiin isku day in aad qabatid shaqooyin ku mashquuliya kuna farxad galiya.

2.Ha u Muujin Ujeedo kasta oo gabadha u muujinayso in aad raadinayo:

Waxa ay haatanba kugu tidhi “Maya” wayna ku diiday waxana laga yaabaa in ayna jawaabtaas si dhib yar isku badalin, dumarku waxa y jecelyiin Dareenka la siiyo sidaas darteed, gabi ahaan iska dhaaf hana siin dareen adiga oo aan la xidhiidhayn ama kula kulmayn meelaha aad horay ugu kulmi jirteen gabi ahaan iska qari gabadha.

3.Isku day in aad badashid muuqaalkaagii hore:

Arintan ma ahan in aad iyada darteed isku badashid laakiin waxa laga yaabaa in ay naftaadu u baahantahay horumarin hadii ay tahay dhanka qurxinta jidhka, labiska iyo wixii la mid ah.

4.Abuur Wax Ay Jeceshahay oo ay danayso:

Waxa laga yaabaa in ay Gabadhu diiday jacaylkaaga, laakiin waxa laga yaaba in ay diyaar u tahay in ay xidhiidh walaaltinimo kula samayso, waana wado kale oo aad gabadha ku diiday ugu guulaysan kartid.

Hadii ay Gabadhu ku diido isku day in aad xidhiidhka ay doonayso ee walaaltinimo la samaysid taasna waxa ay noqon kartaa meesha aad kaga bilaabi kartid in ay ku jeclaato.

5.Asxaabteeda ka dhigo Asxaabtaada:

Hadii aad jawaabteeda aqbli waydo waxa jirta wado kale oo aad isku jeclaysiin kartid, waana in aad Asxaabteeda ugu dhaw ka dhigatid Asxaabtaada, marka aad taalabadaas qaadid, isku day in aad xidhiidh dhaw oo xoogan la samaysid asxaabteeda adiga oo is jeclaysiinaya waana wado kale oo ay gabadhu kugu jeclaan karto.

Source link