Home Arimaha Bulshada U Gaar Ah Ragga: Khaladaadka Ragga Ay Ka Sameeyaan Xidhiidhka Ee Dumarku...

U Gaar Ah Ragga: Khaladaadka Ragga Ay Ka Sameeyaan Xidhiidhka Ee Dumarku Necebyihiin., Iska Ilaali Ninow Hadii Aad Doonaysid In Aad Guul Ka Gaadhid Jacaylka.


Xidhiidhada ayaa ah kuwo adag gaar ahaan marka ay ka gudbaan xilliga shukaansiga bilowga ah,  halkaas oo labada lammaane ay ku jiraan hab-dhaqankooda ugu fiican, wax walbana u sacdaan si fiican.

Laakiin qaybta dambe ee marka dambe timaada ayaa ah mid ay Dadku ku dhibaatoodaan gaar ahaan Ragga kuwaas oo sameeya khaladaad ayna dumarku jeclayn.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa khaladaadka ay Raggu sameeyaan xidhiidhka ee ay necebyiin dumarku waliba sabab u noqda in ay gabadhu ka tagto.

1.In Uu Noqdo Mid Jilicsan:

Way fiicantahay marka labada lamaane is caawiyaan waliba is taageeraan laakiin dumarku ma jecla marka uu Ninku yahay mid aad u jilisan oo waliba iyada ku tiirsan, Abuurka Illahay Ragga ayaa ah kuwa ay tahay in ay qaadaan masuuliyada Xidhiidhka sidaas darteed Dumarku ma jecla inka jilicsan ee aan awood u lahayn in uu hogaamiyo xidhiidhka.

2.In uu mar walba hadiyada u keeno:

Qodobkan ayaa ah ka badan midka hore bilowga xidhiidhka, Ninka ayaa laga yaabaa in uu Sida roobka Hadiyad ugu qubeeyo Gabadha bilowga xidhiidhka laakiin arintan ayaa ah khalad weyn sababta oo ah marka aad joojisid Hadiyadaha waxa ay Gabadhu bilaabaysaa in ay kuu sheegto kalmadaha ah, “Waad is badashay, sidii hore ma tihid” iyo wax la mid ah sidaas darteed  isku day in aad isku dheeli tirtid xidhiidhka.

3.In Aanad Dhagaysan marka ay hadlayso Gabadhu:

Waa mid ka mid ah khaladaadka ugu caansan ee ay sameeyaan Raggu marka laga hadlayo xidhiidhka, dumarka ayaa mar walba jecel in la dhagaysto marka ay hadlayaan, laakiin Ragga ayaan inta badan fahmin arintaas, waana khald weyn taas oo sabab u noqta in uu xidhiidhkoodu dhaawacmo ama dhamaado.

4.In Aad Noqoto Midka Maamulaya Guud Ahaan Xidhiidhka:

Xidhiidhka ayaa bur-bura marka mid ka mid ah labada qof ee uu xidhiidhku ka dhexeeyo noqdo mid gabi ahaan noqdo midka maamulaya xidhiidhka, Xidhiidhka ayay fiicantahay in uu noqdo mid ay labada qof wadaagaan xidhiidhka.

Waa run, in ay Tahay in ay Raggu yihiin masuulka laakiin waxa fiican in uu Gabadha la wadaago go’aanada sidoo kale mar walba la tasahado inta uuna go’aan qaadan taas oo keenta in ay Gabdhu sii jeclaato Ninka.

5.In Aad Badashid Mudnaanta:

Ragga ayaa bilowga xidhiidhka gabadha siiya dareenkooda, wakhtigooda iyo jacaylkooda taas oo ka dhigta midka ugu horaysa noloshiida, marka uu xidhiidhku muddo socdo waxa is badalaya mudnaanta, sababta oo ah Ragga ayaa wakhti badan ku qaadanaya shaqda, In ay wakhti la qaataan Asxaabtooda ama in ay wakhti siiyaan waxa ay jecelyihiin sida ciyaarista ama daawashada kubada cagta.

Arintaas ayaa meesha ka saaray mudnaantii uu  bilowgii xidhiidhka siinayay gabadha taas oo kenaysa in ay Gabadhu ka xanaaqdo kana xumaato maadama ay u baratay in ay ahayd mudnaanta ugu horaysa ee Ninka sidaas darteed bilowga xidhiidhka iska ilaali in aad mudnaanta 1-aad siiso gabadha laakiin isku day in aad isku dheeli tirtis.

Source link