Home Arimaha Bulshada U Gaar Ah Ragga: Calaamadaha Caanka Ah Ee Ay Gabadhu Muujinayso Marka...

U Gaar Ah Ragga: Calaamadaha Caanka Ah Ee Ay Gabadhu Muujinayso Marka Ay Ku Jeceshahay.


Inta badan dumarka ayay adagtahay in ay afka ka qirtaan jacaylka ama ay Wiilka ay jeceshahay u sheegto Gabadhu waxa qalbigeeda ku jira laakiin waxa ay adeegsadaan xeelado ay ku muujiyaan jacaylkooda.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 4 Calaamad oo caan ah oo ay Gabadhu muujinayso marka ay Ninka Jeceshahay.

1.Way ku qosli doontaa kaftankaaga:

Tani waa mid ka mid ah tilmaamayaasha ugu badan ee gabadha ku jecel, waana calaamad muujinaysa in ay Gabadhu ku jeceshahay, hadii ay ku qososho kaftankaaga ama hadal walba oo aad ku tidhaahdo xitaa hadii ayna jirin wax lagu qoslo.

2.In Ay Xishood Dareento Marka Aad Amaanto:

Marka ay Raggu ka helaan Gabadha, waxa dhacda in ay Amaan ugu qubeeyaan gabadha, kadib amaantaas gabadha ayaa dareemaysa dareen cajiib ah, sida caadiga ah marka ay gabadhu ku jecshahay waliba dareen kuu hayso waxa ay xisood badan ka dareemaysaa hadalkaaga amaanta ah.

3.Waxa ay ku siinaysaa Tallo:

Gabadha ku siisa talo iyo tusaale wanaagsan waa astaan ​​kale oo lagu garto in ay Gabadhaas ku jeceshahay, marka ay Gabadhu ku jeceshahay waxa ay danaynaysaa farxadaada sidaas darteed waxa ay ku siinaysaa tallooyin iyo tusaalayaal.

4.Way ku Garab Istaagi Doontaa Wakhtiga Adag Ee Aad Ku Jirto:

Waa calaamada ugu weyn ee lagu garto gabadha dareenka jacaylka ah kuu qabta, sida caadiga ah Noolaha oo dhan waxa uu maraa wakhti adag iyo wakhti fiican, gabadhu marka ay ku jeceshahay waxa ay taageero kula garab istaagaysaa marka aad ku jirto wakhtiga Adag.

Source link