Home Arimaha Bulshada U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku...

U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku U Waashaan Waliba Ka Haleen, Miyaad Ka Mid Tahay Tollow, Iska Eeg.


Gabadh walba waxa ay leedahay nooc ka mid ah Ragga kuwaas oo soo jiita dareenkeeda, dumarka qaar ayaa jecel Nin Leh Midab madaw, dhalaalaya, Timo badan leh halka ay mararka qaar ka helaan Ragga qabiil gaar ah ka soo jeeda.

Hadaba Maqaalkan, waxaan rabaa in aan Halkan ku soo bandhino Nooca Ragga ay Inta badan dumarku ka helaan oo ay jecelyihiin in ay xidhiidh la sameeyaan ama xaaskooda noqdaan.

1.Ragga Jidhkooda Dhisa:

Gabdho Badan ayaa raadiya ama jecel Ragga jidhkooda dhisa waliba aan lahayn calool soo laad-laada sidii uu Uur leeyahay, Gaar ahaan dumarka ayaa jecel Ragga Gala Gym-ta ama jimicsiga sameeya si ay jidhkooda u dhisaan.

Sababta ay Ragga Noocan ah u jecelyihiin ayaa ah in ay Raggaas yihiin kuwo caafimaadkoodu taam yahay waliba ay ku aamini karaan naftooda marka ay halis soo wajahdo.

2.Ragga Gadhka Quruxda Badan leh:

Fashion-ka ayaa hadda ka sii gudbaya heer kale, Nolosha maantana waxa jira Ragg dhaqaaleeya gadhkooda waliba wakhti badan galiya si ay u samaystaan gadha dheer oo qurux badan.

Xaqiiqada ayaana ah in Dumarku wakhtigan aad u jecelyihiin Waliba raadiyaan Ragga leh Gadhka quruxda badan maadama uu Gadhku Ragga ka soo saaro quruxdooda.

3.Ragga Labiska Quruxda Badan:

Maanta adduunka waxa la marayaa halkii ugu dambaysay dhanka Labiska waana arin ay dumarku jecelyihiin, Gabadhaha badankoodu waxa soo jiita Ragga yaqaana sida loo labisto waliba ku soo baxa labiska ay xidhaan.

Gabadh walba waxa ay raadisaa in Markuu Labisto noqdo dheeman waliba soo saarta quruxdiisa kana dhigta min shidan.

4.Ragga Ka Shaqeeya Shirkadaha:

Waa Arin ku cusub dhaqanka Somalida waayihii ugu dambeeyay Ninku hadii uu shirkad weyn u shaqeeyo dumarku way isku dagaalayaan sababta oo ah Arintan ayaa Ninka ka dhigaysa mid qaata mushahar ka badan Ragga kale.

Source link