Home Arimaha Bulshada U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay...

U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.


Helista gabadh fiican ayaa ah mid aad u adg, Ragga ayaa inta badan ka fogaada in ay ku kalsoonaadaan dareenkooda hadana nasiib xumo waxa ay xidhiidh la sameyaan qof khalad ah, in aad dooratid gabadha khaladka ah waxa ay kugu keeni kartaa dhibaato weyn sidaas darteed waa in aad ka fogaato dumarka aan kugu fiicnayn.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa 4 nooc oo dumarka ah oo ay tahay in aad isaga fogaato si walba oo aad u jeceshahay:

1.Gabadha Doonysa Noqoto mid dhamaystiran

Noocan dumarka ah waxa ay ku noolyihiin Nolol khiyaali ah mar walba waxa ay jecelyihiin in ay ka shaqeeyaan muuqaalkeeda, waxana ay noocan ka mashquulaysaa nolosha caadiga ah kamana helaysid nolosha aad doonaysid.

2.Gabadha Mar walba dhaleecaysa wax walba:

Noocan dumarka ah ayaa mar walba dhaleecaysa cid walba waliba iyaga oo hor jooga, hadii ay hesho Nin adag waxa ay ku tilmaamaysaa mid qof xun ah, hadii ay hesho Nin fiican waxa ay ku tilmaamaysaa in uu yahay nin jilicsan, waxana ay dhaleecaynaysaa wax walba oo dhaca.

3.Gabadha aan Kalsoonida Lahayn:

Dumarka ayaa inta badan caadi ahaan ah kuwo ay ku yartahay kalsoonidu waxana laga yaabaa in ay wax walba ugu tiirsanaato Ninka laakiin waxa jira qaar ka bad-badis ah oo aan ku fiicnayn in xidhiidh lala sameeyo.

4.Gabadha marka ugu horaysaba Lacagtaada Eegta:

Waa nooc dumarka ah oo mar walba raadiya in ay helaan wado ay isaga dhigaan mid qurux badan si ay u helaan Nin lacag leh, waana nooca kuwa ugu halisan maadama ayna wax xidhiidh ah dan lahayn laakiin kaliya doonayaan lacagtaada.

Source link