Home Arimaha Bulshada U Gaar Ah Ragga: 3-da Arin Ee Ay Dumarku Aadka Uga Jecelyihiin...

U Gaar Ah Ragga: 3-da Arin Ee Ay Dumarku Aadka Uga Jecelyihiin Xidhiidhka Ee Aad U Baahantahay In Aad Ogaatid.


Inta Badan Dumarka waxa loo yaqaanaa Boqorada jacaylka marka laga hadlayo xidhiidhka,  waxa jira qaar badan oo dumarka ah oo marka ay yidhaahdaan “Haa waan ku jecelahay”waa ka dhab.

Waxa jira waxyaabo kala duwan oo ay dumarku ka doonayaan inta badan xidhiidka waliba waa waxyaabaha muhiimka u ah marka ay si dhab ah uga hadlayaan xidhiidhkooda.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa 3 arin oo ay inta badan dumarku jecelyihiin marka laga hadlayo xidhiidhka.

1.Dareenka:

Inta badan dumarka ayaa jecel in ay helaan dareen badan kana helaan gacaliyeheeda marka laga hadlaya waxyaabaha xasaasiga ah, wax iyaga ku yar ayaa ah wax ay aad u qiimeeyaan waxana fiican in aad dareen gaar ah siiso arimahaas.

2.Jacayl:

Jacaylku waa wax laba qof ka dhiga kuwo iska hela, waana waxa ay inta badan dumarku ka doonaan xidhiidhka, In ay haystaan Nin mar walba diyaar u ah in uu u muujiyo jacayl iyo daryeel waa waxa ay ugu jecelyihiin.

3.Awood:

Inta badan dumarka ayaa qiimeeya awooda Ninka waana mid ka mid ah qaabka ay u fahmaan jacaylka dhabta ah, awood ragganimo waxa ay la macno tahay in aad mar walba ku jiri doonto qalbigeeda waliba aad garab joogi doonto marka ay wakhtiga adag marayso.

Source link