Home Arimaha Bulshada U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska...

U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.


Ma jiraan wax ka xanuun badan in aad jeclaato Kuna kalsoonaato Nin laakiin uuna kuu jeclayn sida aad adigu u jeceshahay waana arin aad u dhib badan.

Laakiin midda aadka uga xanuunka badan ayaa ah in aad Nin si dhab ah u jeceshahay laakiin uu Ninku iska dhigayo in uu ku jecelyahay laakiin uuna xitaa qalbiga kugu hayn.

Waxa jirta dumar badan oo uu soo gaadhay dhaawac badan sabab la xidhiidha in ay qalbigooda siiyeen Qaar ka mid ah Ragga.

Hadaba waxa aan maanta soo bandhigaynaa qaabka ay Gabadhu ku ogaan karto in uu Ninku iska dhigayo in uu jecelyahay laakiin uuna wax jacayl ah u hayn.

1.Lama heli karo markay u baahato

Halka wado ee aad ku ogaan kartid in uuna Ninku ku jeclayn laakiin iska dhigayo mid ku jecel waa in uu kuu sheego in aanu wakhti hayn marka aad u baahato.

Hadii uu Ninku mar-marsiyo sameeyo mar walba oo aad u baahantahay waxa ay cadayn xoogan u tahay in uuna Ninkaas ku jeclayn laakiin iska dhigayo mid ku jecel.

2.In Uu Kaliya Rabo waxa uu doonayo:

Marka uu Ninku iska dhigayo in uu ku jecelyahay laakiin uuna si dhab ah kuu jeclayn waxa uu mar walba raadinayaa waxa isaga danta u ah laakiin uuna adiga wax dan ah kaa lahayn waliba kaliya raadinayo waxa uu isagu doonayo.

3.In Uu Xidhiidhkiina Ka Dhigo Mid Qarsoodi Ah:

Nin walba oo iska dhigaya in uu jecelyahay Gabadh waxa uu isku dayi doonaa in uu xidhiidhka ka qariyo dadka kale, waxa uu mar walba kuu sheegi doonaa sabab uu xidhiidhkiina uga qarinayo qoyskiina iyo asxaabtiina.

4.In Uuna Kaala Hadlin Mustaqbalka:

Marka uuna Ninku gabadha kala hadlin wax ku saabsan mustaqblkooda iyo halka uu u socdo jacaylkoodu waxa ay cadayn u tahay in uu Ninku iska dhigayo mid jecel gabadha laakiin uuna si dhab ah u jeclayn.

Source link