Home Ciyaaraha Tirada Saxiixyada La Dhamaystiray, Kooxaha Saxiixyada Ugu Yar Sameeyay, Kooxaha Lacagta Uu...

Tirada Saxiixyada La Dhamaystiray, Kooxaha Saxiixyada Ugu Yar Sameeyay, Kooxaha Lacagta Uu Badan Galiyay & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Suuqa Kala Iibsiga Kooxaha Premier League. – Banaadirsom

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaya ka dhimantahay hal todobaad iyada oo kooxaha premier League dadaal ugu jiraan in ay sameeyaan saxiixyo cusub oo ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda sida ugu xoogan suu u gashay iyaga oo sameeyay 5 saxiix oo cusub inta uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagan xilli uu Mikel Arteta dhisayo koox u tartanta koobabka.

Dhanka kale kooxaha Liverpool iyo Newcastle United ayaa ah labada kooxood ee Sameeyay saxiixyada ugu yar suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo sameeyay min hal saxiix ilaa haatan suuqa xagaagan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa kooxaha lacagta ugu badan galiyay suuqa, tirada saxiixyada la sameeyay iyo xogo kale oo aan ka soo xiganay shaqada Sky Sports.

Saxiixyada Guud ee la Sameeyay ilaa Haatan: 59 saxiix

Saxiixyada Amaahda ah: 9

Heshiisyada cusub: 40

Kooxaha Saxiixyada ugu Yar Sameeyay:

  1. Liverpool: 1
  2. Newcastle: 1
  3. West Ham: 2
  4. Man City: 2
  5. Man United: 2
  6. Burnley: 2
  7. Chelsea: 2

Kooxaha Lacagta ugu badan Galiyay Suuqa Xagaagan ilaa haatan:

  1. Arsenal: 137 milyan
  2. Man United: 114
  3. Man City: 100
  4. Chelsea: 97.5
  5. Aston Villa: 93
  6. Leicester City: 55

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link