Home Ciyaaraha Timo Werner Oo Chelsea Ka Caawin Kara In Ay Saxiixa Saul Niguez...

Timo Werner Oo Chelsea Ka Caawin Kara In Ay Saxiixa Saul Niguez Ku Garaacdo Liverpool Iyo Man United – Banaadirsom

Chelsea ayaa xiddiga Timo Werner u adeegsan karta in ay ku hesho xiddiga khadka dhexe ee Saul Niguez inta lagu jiro suuqa xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Chelsea ayaa doonaysa xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid si ay ugu xoojiso khadka dhexe ee kooxdeeda xilli ciyaareedkan.

Niguez ayuu 5 sano uga dhimanyahay heshiisa kooxda Atletico Madrid waxana ay kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga.

Laakiin kadib markii ay chelsea 97.5 milyan euro kula soo wareegtay Romelu Lukaku waxa ay doonaysaa in ay heshiis isku badalasho ah la samayso kooxda Atletico Madrid.

Wargayska Ok Diario ayaa sheegaya in ay labada kooxood haatan wadahadalo isku badalasho ah ku jiraan xilli ay Atletico Madrid suuqa ugu jirto weeraryahan cusub.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link