Home Wararka Maanta Tigrey oo la wareegtay magaalo kale oo weyn iyo wararkii ugu dambeeyay...

Tigrey oo la wareegtay magaalo kale oo weyn iyo wararkii ugu dambeeyay ee Itoobiya

Dagaalyahanno daacada u ah Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray ayaa waxa ay haatan ku andacoonayaan in ruqaansigooda dhinaca koonfurta ay kula wareegeen magaalooyinka Korem iyo Alamta.

Balse dowladda ayaan weli ka jawaabin shekegashadaasi.

Sida lagu sheegay warbixin la soo saaray fiidnimadii Isniinta, waxay dadaal ugu jireen inay la wareegaan magaalada Alamata, oo ah caasimada koonfurta Tigray, oo 20 KM u jirta Korem.

Dadka deegaanka Alamata oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa BBC u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta Alamata ilaa 5-tii galabnimo.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dagaal culus oo ka dhacay seddex tuulo oo ka baxsan magaalada.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inay “aad uga walaacsan tahay” xiisadaha sare u sii kacaya iyo wararka tilmaamaya in dagaal uu ka soconayo qeybaha galbeed ee gobolka Tigray ee ay colaadda ka taagan tahay ee waddanka Itoobiya.

Waxaa ay daba socotay hadalka madaxa siyaasadda ee Midowga Yurub, Josep Borrel, kaas oo dalalka xubnaha ka ah midowgaasi inay ka baaraan dagaan inay soo rogaan cunaqabatayn la xiriirta dhibaatada ka taagan gobolka Tigray ee waddankaasi Itoobiya.

 

Source link