Home Ciyaaraha Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyay Xiddig Muhiim U Ah Chelsea Oo Xanuunka Korona...

Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyay Xiddig Muhiim U Ah Chelsea Oo Xanuunka Korona Ku Seegi Doona Kulanka Arsenal – Banaadirsom

Tababaraha Banaadirsom chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in xiddiga khadka dhexe ee Christian Pulisic laga helay xanuunka Korona sidaas darteed uu seegi doono kulanka Arsenal ee Axada.

Christian Pulisic ayaa seegay tababarkii Salaasadii waxana uu tababaruhu haatan sheegay in uu xiddigu karantiil ku jiro kadib markii laga helay xanuunka Korona.

“Nasiib xumo, Christian Pulisic waxa laga helay xanuunka Korona, waxana uu u baahanyahay in uu maro nidaamka”.

“Sidaas darteed waxa uu seegi doona kulanka Arsenal”ayuu Tuchel xaqiijiyay intii uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka Arsenal.

Xiddiga reer America ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib kulankii horyaalka premier League Crystal Palace isaga oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee kooxdiisa.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Imis Jeer Ayay Lamaanaha Dhawaan Is Guursaday Ku Kulmi Karaan Sariirta?

Source link