Home Ciyaaraha Thomas Tuchel Oo  Sharaxay Sababta Uu Edouard Mendy Ugu Badalay Kepa Arrizabalaga...

Thomas Tuchel Oo  Sharaxay Sababta Uu Edouard Mendy Ugu Badalay Kepa Arrizabalaga Kulankii Ay Chelsea Rikoodhayaasha Ku Qaatay UEFA Super Cup-ka.

Tababaraha Banaadirsom chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in sababtii uu Kepa Arrizabalaga u soo galiyay rikoodhayaasha kulankii ay chelsea garaacday Villarreal in ay tahay in uu xiddiga reer Spain rikoodhayaasha kaga fiicanyahay dhigiisa Mendy.

Kepa ayaa kaydka ku bilowday ciyaarta laakiin soo galay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee dhamaadka wakhtigii dheeriga ahaa isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul ay ku gaadheen rikoodhayaal.

Banaadirsom Chelsea ayaa ku hor martay goolka qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii uu xiddiga Hakim Hiyech u dhaliyay goolka 1-aad ee furitaanka.

Laakiin Banaadirsom Villarreal ayaa dhalisay goolka bar-baraha qaybtii dambe iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gerard Moreno taas oo keentay in ay labada kooxood rikoodhayaal isla gaadhaan.

“Maya, maya. Ma ahayn wax iska yimid. Waxaan kala hadalnay goolhayayaasha kulankii Barnsley ee ugu horeeyay”ayuu Tuchel u sheegay BT Sport.

“Sidaas darteed waxa aan haysanay xog, diyaar ayaanan ahayn sababta oo ah Kepa ayaa ku fiican dhinaca qabashada rikoodhayaasha”ayuu sii raaciyay

Source link