Home Ciyaaraha Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Wararka Romelu Lukaku La Xidhiidhinaya Chelsea –...

Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Wararka Romelu Lukaku La Xidhiidhinaya Chelsea – Banaadirsom

Thomas Tuchel ayaa ku tilmaamay Romelu Lukaku “Xiddig Cajiib ah” kadib markii wax laga weydiiyay suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo weeraryahanka Inter Milan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kadib markii ay ka daashay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland, Blus ayaa dareenkooda u jeedisay saxixia Lukaku iyaga oo doonaya in ay xiddiga ku soo celiyaan Stamford Bridge.

Markii la weydiiyay wax ku saabsan xiddiga reer Belgium ka dib ciyaartii saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen Tottenham Hotspur, Tuchel ayaa ammaanay weeraryahankii hore ee Chelsea.

Si kasta ha ahaatee Tababaraha Blues ayaa diiday in uu kashifo in ay kooxdiisu wadahaldo kula jirto Inter Milan si ay xiddiga ugula soo wareegto lacag kor u dhaafaysa 100 milyan oo euro.

“Kama hadli doono Xiddigo aan joogin kooxdayda, Romelu Lukaku waa xiddig cajiib ah, laakiin kama mid ahan kooxdayda, waxa uu u ciyaaraa Inter Milan, xiddig walbana waxa uu doonayaa in uu ku soo biiro kooxdayda, waxa aan qiyaasi karaa xiddigo badan oo doonaysa in ay ku soo biiraan chelsea”ayuu yidhi.

28 jirkaan ayaa dhaliyay 64 gool 95 kulan oo uu u saftay Inter tan iyo markii uu Banaadirsom Serie A kaga soo biiray Manchester United bishii August 2019.

Source link