Home Arimaha Bulshada Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa – Allsomali.net

Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa – Allsomali.net


Sida aan wada ognahay waxa uu khilaaf badan soo kala dhex galaa Gabadha iyo Hooyada Wiilka waana arin inta badan ka dhacda dhaqanka Somalida waana arin keenta in uu guurka labada qof soo galo khilaaf weyn.

Si aad u heshid jacaylka Sodohdaa ama Hooyada Ninkaaga waxa aad u baahantahay in aad samaysid waxyaabo badan waana masuuliyado badan oo dhacaya dushaada xaas ahaan.

Hadaba waxa aan maanta halkan ku soo bandhigi doonaa tallo u gaar ah Gabadha Oo Ka Caawin karta in ay is jeclaysiiso Sodohdeed ama Hooyada xaaskeeda.

1.In aad Amaanto:

Sodohda ayaa jecel in ay amaan ka hesho gabadha uu qabo wiilkeedu sidaas darteed isku day in aad mar walba amaantidwaliba aad dareensiiso qiimaha aad agteeda ka leedahay waxana ay taasi kaa caawinaysaa in aad heshid jacaylkeeda.

2.In aad si fiican u qabatid hawshaada:

Hadii ay dhacdo in aad la nooshahay Hooyada Ninkaaga waxa fiican in aad si fiican u qabatid hawsha guriga iyo masuuliyadaada kale ee aad ku leedahay guriga waxana ay arintaas kaa caawinaysaa in ay aad uu qadariso.

3.Nidaamka iyo Nadaafada:

Qaar badan oo ka mid ah sodohaha waxa ay si gaar ah ula socdaan xaaska Wiilkeeda gaar ahaan marka laga hadlayo Nadaafada iyo Nidaaminta gurga sidaas darteed waxa fiican in uu Gurigaagu noqdo mid nidaamsan oo nadiif ah mar walba.

4.In aad Daryeesho quruxdaada:

Waxa laga yaabaa in ay Sodohud kaa hinaasto inkasta oo aad tahay xaaska wiilkeeda laakiin waxa fiican in aad diirada saarto qurxdaada, iskuna day in aad mar walba ka soo hor muuqato adiga oo ku jira quruxdaada.

5.Isku day in aad marti qadid:

Hadii ay tahay in aad Qaddo ugu yeedho ama casho aad ugu yeedho isku day in aad guriga ku marti qaadid hooyada Ninkaaga waxana ay arintan keenaysaa in aad yeelataan xidhiidh fiican.

6.U Iibi Hadiyad ama wax ay jeceshahay marka aad booqato:

Si aad u heshid qalbiga Sodohdaa, isku day in aad Hadiyad u iibisid marka aad booqanayso hadii ayna kula daganayn waxana ay arintaas keenaysaa in aad saamayn ku yeelato xidhiidhkiina.

Source link