Home Wararka Maanta Taliye Xijaar: “Qof kasta oo Musharax ah & Ergada wax dooranaya ah...

Taliye Xijaar: “Qof kasta oo Musharax ah & Ergada wax dooranaya ah waa in la baaraa”.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa beeniyay in uu is hor istaag ku sameeyay Musharixiin warqadda dambi la’aanta ka dalbaday xarunta Baarista Dambiyada ee C.I.D.

Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa tilmaamay in aanay jirin sabab uu u hor istaago qaadashada Warqadda dambi la’aanta balse ilaa haatan aanay bilaaban qaadashada warqadahaas.

Taliyaha ayaa qiray in ay jiraan Musharixiin xarunta baarista dambiyada tagay balse nidaamka ay ku shaqeeyaan uu ku xiran yahay Golaha Wadatashiga Qaran oo ku heshiiyay sidii ay ula socon lahaayeen arrimahaan.

“Cid aanu siinay waraaq hala soo helo, taasi waxa ay muujineysaa in aanay jirin cid aan siinay iyo kuwo aan u diidnay, C.I.D-du way tageen dad badan oo Musharixiin ah oo raba in ay tartamaan balse waxa aan ku shaqeynaa nidaamka Dowladda oo ma nihin Siyaasiyiin”  ayuu yiri Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ahna Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo jeediyay in baaris la mariyo Musharixiinta & Ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS.

“Qof kasta oo musharax ah & Qof kasta oo Ergooyinka wax dooranaya ah waxa aan soo jeedinayaa in la baaro oo la ogaado in ay dambi ka galeen umadda Soomaaliyeed waxaana u geyneenaa Ra’iisul Wasaaraha si uu ugu sii gudbiyo Golaha Wadatashiga qaran” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Xijaar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 21-kii July 2021 sheegay in aanay la hor istaagi Karin Musharixiinta ciddii ka dhega-fureysata uu tallaabo ka qaadi doono.

Source link