Home Wararka Maanta Taallo lagu xasuusto Farmaajo oo laga dhisayo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho

Taallo lagu xasuusto Farmaajo oo laga dhisayo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho

Koox si weyn u taageerta Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa qorsheenaya in taalo nlagu xasuusto Farmaajo ka dhisaan garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho gaar ahaan qeybta loo yaqaan VIP-da.

Wakiilka Hay’adda Taageerada Caalamiga ah u Qaabilsan Norway ee NIS u qaabilsan Soomaaliya Qaasim Gaabow Ducaale ayaa shaaciyay in ay qorsheenayaan in Farmaajo taallo lagu xasuusto uga dhisaan Garoonka Muqdisho.

Qoraal uu wakiilkan soo saaray ayuu sheegay in ay dhab ka tahay in Farmaajo taallo lagu xasuusto waxtarkiisa ka dhisaan garoonka Muqdisho, ninkan ayaana faah faahin badan ka bixin cida bixineysa dhaqaalaha ku baxaya dhismaha taalladan.

Hay’adda NIS uu Wakiil uga yahay  Soomaaliya Qaasim Gaabow ayaa mashaariic badan ka fulisay dalka, waxay maamushaa deeqo inta badan ka yimaada dowladda Norway iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo deeqaha ay Soomaaliya ku bixinayaan soo mariya.

Baraha bulshada ayaa durba arintan soo shaac baxday ka abuurtay fal celino badan, waxaana qaar kamid ah dadka Farmaajo kasoo horjeeda horey u dhaliileen in shaashada Garoonka Muqdisho laga baahiyay Sawirka Farmaajo.

Source link