Home Wararka Maanta Taalibaan oo qarka u saaran iney la wareegto Kapul iyo Madaxweyne Ashraf...

Taalibaan oo qarka u saaran iney la wareegto Kapul iyo Madaxweyne Ashraf Ghani oo u hanjabay

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa wacad ku maray in dalka uu ka difaaci doona Taalibaan, xilli Taalibaanku ay ku sii siqayaan magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Khudbad gaaban oo uu jeediyay Madaxweyne Ashraf Ghani wuxuu ku sheegay in ka saarista ciidamada qalabka sida ee Afghanistan ay tahay “ahmiyadda koowaad”, wuxuuna wada -tashiyo la yeelanayaa hoggaamiyeyaasha deegaanada iyo la -hawlgalayaasha caalamiga ah ee u taagan horumarka dalka.

Waxaa sidoo kale dagaal xooggan laga soo sheegayaa magaalada Maidan Shar oo 40 kilomitir oo keliya u jirta magaala madaxda Kaabuul.

Waxaana wararka sheegayaan in Taalibaan ay ku sii siqayaan Kabuul oo laga cabsiqabo inay gudaha u galaan inkastoo ay ciidamo ajaanib ah ay ku sugan yihiin.

Taliban ayaa haatan gacanta ku dhigtay inta badan dhulka waqooyiga Afghanistan iyo nus ka mid ah magaalo madaxda madaxda gobolladaasi iyadoona la sheegayo inuu dagaal culus ka socdo magaalada Mara-I-Shariif oo ah magaalada keliya ee ka tirsan waqooyiga oo ay dowladda gacanta ku hayso.

Waxaa sidoo kale dagaal xooggan laga soo sheegayaa magaalada Maidan Shar oo 40 kilomitir oo keliya u jirta magaala madaxda Kaabuul.

Todobaadkan, warbixin la dusiyay oo uu lahaa sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu qiyaasay in magaalada Kabul uu dagaalku ku soo gaari doono muddo todobaadyo ah, dowladduna ay ku burburi doonto 90 casho.

 

Source link