Home Ciyaaraha Taageerayaasha England Oo Dalbanaya In Lagu Celiyo Final-kii Euro 2020, Sabab. –...

Taageerayaasha England Oo Dalbanaya In Lagu Celiyo Final-kii Euro 2020, Sabab. – banaadirsom

Taageerayaasha Xulka England ayaa wali aqbali la’ xaqiiqada ah in uu xulka Italy ku guulaystay koobka Euro 2020 xagaagan kadib markii ay gaadheen final-ka tartanka markii ugu horaysay taariikhdooda.

Inkasta oo ay qaar ka mid ah taageerayaasha xulku ay Aflagaadeeyeen xiddigaha xulka laakiin qaar kale ayaa qaaday talaabo ay ku dalbanayaan in dib loogu celiyo kulanka.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa bilaabay Ra’yi uruurin ay ku doonayaan in ay UEFA ugu qasbaan in lagu celiyo kulanka Final.

“Kulankii Final-ka Euro ma ahan mid cadaalad ah”ayuu taageere yidhi.

“Kadib markii Italy loo taagi waayay kaadhka digniinta ah kadib ay xiddigaha Italy si xun ula dhaqmeen xiddigaha England”.

“Dhamaan is jiid-jiidka, laadista iyo waxa ay xiddigaha Italy sameey waa mid khalad ah”.

“Italy waxa ay ahayd in kaadhka cas loo taago sidaas darteed waa in kulanka lagu celiyo”

Source link