Home Ciyaaraha Taageerayaasha Arsenal Oo Weerar Ku Qaaday Baabuurka Tababare Mikel Arteta – Banaadirsom

Taageerayaasha Arsenal Oo Weerar Ku Qaaday Baabuurka Tababare Mikel Arteta – Banaadirsom

Taageeryaaasha Kooxda Arsenal ayaa weerar ku qaaday baabuurkii uu saarnaa tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta kadib markii ay Arsenal guuldaro 2/0 ah kala kulantay chelsea.

Gunners ayaa haatan la kulantay kulankii 2-aad oo xidhiidh ah premier League iyaga oo aan sidoo kale wax gool ah dhalin labadii kulan ee ay ciyaartay horyaalka premier League.

Taageerayaasha Arsenal ayaa si weyn uga niyad jabsan qaab ciyaareedka kooxdooda kuwaas oo aan wax guul ah gaadhin ilaa haatan horyaalka premier League labadii kulan ee ay ciyaareen.

Kadib markii ay dhamaatay ciyaartu qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ayaa weerar ku qaaday baabuurkii uu saarnaa tababare Mikel Arteta xilli uu ku wajahnaa Gurigiisa.

Waxa la maqlay iyada oo taageerayaashaas Mikel Arteta ka codsanayeen in uu isaga tago kooxda kadib markii uu si weyn ugu dhibaatooday in uu guulo ku hogaamiyo kooxda.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan



Source link