Home Ciyaaraha Suuqyadii Xagaaga Ee Ugu Waalida Badnaa. – Banaadirsom

Suuqyadii Xagaaga Ee Ugu Waalida Badnaa. – Banaadirsom

Banaadirsom PSG ayaa ku jirta suuq cajiib ah iyaga oo la soo saxiixday xiddiga Lionel Messi kadib markii uu ka tagay Banaadirsom Barcelona kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray Banaadirsom Barcelona bishii June.

Suuqa xagaaga ayaa mar kale suuqa la galiyay lacag waali a inkasta oo ay jiraan xaalado dhaqaale oo ay kooxaha qaarkood ku dhibaatoonayaan in ay xitaa bixiyaan mushaharka xiddigohooda.

Wargayska Daily Mirror ayaa warbixintan ku soo bandhigay suuqyadii xagaaga ee ugu waalisanaa ee ay kooxuhu lacagta ugu badan galiyeen taariikhda sanadihii ugu dambeeyay.

PSG: Summer 2017

Xiddigaha Ay la soo saxiixatay: 4

Lacagta Ay Galiyeen suuqa: £372m

Xiddigii ugu qaalisanaa: Neymar, £198m (Barcelona)

Waxa uu ahaa xagaagii ugu la yaabka badnaa xagaaga, isaga oo tusaale u ahaa mid halis ah oo muujinaya sida ay milkiilayaasha kubada cagtu marar si fara ka bax ah suuqa u galiyaan lacagta.

Banaadirsom PSG ayaa si lama filaan ah Neymar uga bixisay lacagta ilaa haatan ah mida ugu qaalisan ee xiddig kaliya lagu soo iibsado kadib markii ay bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiska Neyamr oo dhamayd 222 milyan.

Kadib PSG ayaan halkaas ku joogsan laakiin waxa ay xagaagii xigay 160 milyan kula wareegeen Kylian Mbappe kaas oo ay isla xagaagii ay Neymar la wareegtay qaab amaah ah ku heshay halka ay PSG Dani Alves qaab xor ah kula wareegtay halka ay 15 milyan ka bixisay xiddiga Real Sociedad ee Yuri Berciche.

ilaa haatan 4 sano ma jirto koox u dhawaatay oo xagaa kaliya suuqa galisay lacag la mid ah lacagtii ay Banaadirsom PSG sanadkii 2017 kula wareegtay xiddigaha.

Chelsea: Summer 2020

Xiddigaha Ay la soo saxiixatay: 7

Lacagta Ay Galiyeen suuqa: £228.5m

Xiddigii ugu qaalisanaa: Kai Havertz, £72m (Bayer Leverkusen)

Frank Lampard ayaa ogaa in ay kooxdiisu u baahantahay in ay is xoojiso kadib markii ay ku dhamaysteen 4-ta boos ee ugu sareeya xilli ciyaareedkii 2019/2020 waliba lumiyeen Eden Hazard oo ku biiray Real Madrid.

Chelsea ayaa suuqa galisay alcag dhan £228.5m iyaga oo kula soo wareegay 7 xiddig oo cusub kana bilaabay xiddiga Hakim Ziyech sidoo kale la soo saxiixday xiddigaha Timo Werner, Ben Chilwell Iyo Kai Havertz oo ka mid ahaa saxiixyada Blues.

Laakiin lacagtaas ayaa galaafatay shaqadii Frank Lampard iyada oo shaqada laga caydhiyay kadib markii ay Blues si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkooda.

Manchester City: Summer 2017

Xiddigaha Ay la soo saxiixatay: 6

Lacagta Ay Galiyeen suuqa: £206.5m

Xiddigii ugu qaalisanaa: Kyle Walker, £49m (Tottenham)

Pep Guardiola ayaa maamulka kooxdiisa ku amray in ay u keenaan xiddigaha uu doonayo kadib markii uu ku fashilmay premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay waliba wax koob ah ku guulaysan waayay.

Tababaraha reer Spain ayaa suuqa galiyay lacag ka badan £200million isaga oo kula soo saxiixday 6 xiddig oo uu ku dhisay kooxdiisa xilli ciyaareedkii xigay.

Guardiola ayaa laba daafac oo hal boos ka wada ciyaara ku keenay lacag dhan 75.5 milyan euro isaga oo kala soo kala wareegay kooxaha Tottenham iyo Real Madrid

Sidoo kale Guardiola ayaa kooxdiisa ku soo daray daafaca dhaawaca batay ee Benjamin Mendy waxana wakhtigaas loo diwaan galiyay Man City sanadkii ugu badnaa ee ay suuqa galiso lacagta ugu badan.

Real Madrid: Summer 2009

Xiddigaha Ay la soo saxiixatay: 7

Lacagta Ay Galiyeen suuqa: £216m

Xiddigii ugu qaalisanaa: Cristiano Ronaldo, £80m (Manchester United)

Shaki la’aan ma jiro suuq kaga fiicnaa oo ay Real Madrid soo martay 12 sano ka hor.

Florentino Perez ayaa ku soo laabtay madaxtinimada Banaadirsom waxana uu balan qaaday in uu dhisi doono koox ka yaabsata adduunka kuna guulaysato koobab ay ka qayb galayso sanadka xiga.

Real Madrid ayaa lacag 80 milyan ah kula wareegtay Ronaldo kadib markii ay ku fashilantay sanadkii ka horeeyay ee 2008 waxana ugu dambayn ku guulaystay saxiixa xiddiga reer Portugal.

Los Blancos ayaa isla xagaagaas la soo saxiixatay xiddigaha reer Spain ee  Raul Albiol, Alvaro Negredo Iyo Alvaro Arbeloa kuwaas oo ay ku dhisaysay koox koobab u tartanta.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Source link