Home Wararka Maanta Soomaaliya iyo Masar oo heshiis ka gaaray arrimaha Waxbarashada iyo Laba faa’ido...

Soomaaliya iyo Masar oo heshiis ka gaaray arrimaha Waxbarashada iyo Laba faa’ido oo Soomaaliya…

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Cabdullaahi Abuukar xaaji ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Waxbarshadda dalka Masar Tariq showqi, Wasiirka Tacliinta Sare ee dalka Masar khaalid Cabdul-Qafaar waxaa ayna is afgarad buuxa ka gareen waxyaabahii ay kawada hadleen labada dhinac ee Iskaashiga tacliinta.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla go’aamiyay sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii waxbarashada ee Masaarida Maamulaan ee ku yaala dalkeenna.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya waxaa loo ballan qaaday in deeqaha waxbarashada la kordhin doono gaar ahaan dhinaca tacliinta Sare (Postgraduateka), Sidoo kale Madaxda labada waddann waxay isla soo qaadeen sidii loo xalin lahaa caqabadaha haysta ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Masar.

Kulanka Wasiirka uu la qaatay dhigiisa Wasiiradda Masar waxaa ku wehliyay Agaasimaha Tacliinta Sare Wasaaradda Waxbarshadda DFS Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ku xigeenka u qeybsabaha waxbarashada safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo lataliyaha Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

 

Source link