Home Wararka Maanta Soomaali lagu dilay dagaal ay la galeen qowmiyad degta Kenya iyo khasaaro...

Soomaali lagu dilay dagaal ay la galeen qowmiyad degta Kenya iyo khasaaro ka dhashay





Ugu yaraan 8 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaal dhexmaray Soomaalida iyo Booranta ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana dagaalkan uu ka dhashay dhul daaqsin ah oo xoola-dhaqatadu u soo guurtay.

Deegaanka ay dadka isku dagaaleen ayaa waxaa la sheegay iney ka jirto biyo la’aan islamarkana xaaladda ay ka sii dartay iyadoo muranka uu muddo soo jiitamayay.

Maamulka Soomaalida ee halkaas ku nool ayaa sheegay in shir deg deg ah isugu yeereen qowmiyadda kale islamarkana dagaalka lasoo afjaro oo colaada laga heshiiyo.

Waxgaradka deegaanka ayaa waxey sheegeen in galbeedka wajiir dadka Soomaaliyeed ee ku nool ay diyaar u yihiin nabadda islamarkana la isku wada raacay inaan la aar goorsan oo la isa saamaxo.

Inta badan deeganads waxaa ka dhaca dagaal sababa muran dhanka xadka iyo daaqa ah iyadoo aysan jirin hay’ado dowladeed oo ka socda Soomaaliya ama Kenya oo halkaa ka shaqeeyo.

Dhanka kale waxaa jira guryo la gubay iyo xoolo la kala qabsaday kuwaa oo la filayo in shirka looga hadlo ismalarkana laga heshiiyo.

 




Source link