Home Ciyaaraha Solskjaer Oo Xaqiijiyay In Uu Raphael Varane Wali Yahay Xiddig Real Madrid...

Solskjaer Oo Xaqiijiyay In Uu Raphael Varane Wali Yahay Xiddig Real Madrid Ah, Qaab Noocee Ah. – Banaadirsom

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa qiray in ku biiristii Raphael Varane ee Man United ayaan wali dhamaystirin waliba xiddigu wali yahay xiddig Real Madrid ah walina heshiis kula jiro Los Blancos.

Real Madrid iyo Man United ayaa ka heshiiyay qiimaha xiddiga ku kacaya 50 milyan oo euro laakiin xiddiga reer France ayaan wali wax tababar ah la qaadan sabab la xidhiidha karantiilka xauunka Korona oo uu ku jiro.

“Varane wali wax tababar ah ma qaadan, wali maanu dhamaystirin wax walba oo heshiiska ku saabsanaa”ayuu Solskjaer u sheegay saxaafada.

“Waxyaabuhu way dhacaan, wakhtina way u baahanyihiin, Nasiib xumo karantiilkiisii ayaan wali dhamaan sidaas darteed ma ciyaari doono kulanka Leeds Sababta oo ah wali wax tababar ah nalama qaadan”.

“Waxan oo kale way dhacaan, waxa ugu weyn ee heshiiska dib u dhigayna waa karantiilksa laakiin waxa uu ku suganyahay Manchester dhawaana waa la dhamaystiri doonaa”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Raggu Ma Jecelyihiin Gabadha Jacaylkeeda U Soo Bandhigta?

Source link