Home Ciyaaraha Sol Campbell Oo Qiimeeyay Fursadaha Chelsea ee Ku Guulaysiga Premier League Kadib...

Sol Campbell Oo Qiimeeyay Fursadaha Chelsea ee Ku Guulaysiga Premier League Kadib Guushii Arsenal. – Banaadirsom

Sol Campbell ayaa sheegay in Chelsea ay leedahay tayo ay ugu tartami karto hanashada horyaalka Premier League ka dib markii ay qaab ciyaareed aad u wanaagsan ay soo bandhigeen kulankii ay Chelsea garaacday Arsenal Axadii.

Blues ayaa garaacday Kooxda Mikel Arteta kulan ka dhacay Emirates iyada oo chelsea dhalisay 2 gool qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo guul gaadhay kulankoodii 2-aad oo xidhiidh ah.

Halyeeyga reer England ee Campbell ayaa sheegay in ay kooxda Thomas Tuchel ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Waxa ay leeyihiin gaasho, tayada, farsamada, awooda, waxa ay leeyihiin wax walba jaatan, waxa ka hadhay dhamaadka horyaalka wakhti fog laakiin waxa ay leeyihiin tayo ay kula tartami karaan horyaalka”ayuu yidhi.

Kane oo ayaa hadalkiisa ku sii daray”Waxa ay haystaan xiddigo badan oo weerarka ah waxana ay sidoo kale leeyihiin dookhyo badan waxana ay arintaas ka caawinaysaa in ay u tartamaan horyaalka”.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link