Home Arimaha Bulshada Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti...

Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.


Waxa jirta sifooyin badan oo uu Ninku ku jeclaan karo gabadha laakiin sidoo kale waxa ay sifooyinkaas sabab u noqon karaan in ay Gabadha ka fogayso Ninka, sabab la xidhiidha in marka ay muddo wada socdaan in uu ka caajisayo sifooyinkaas.

Sidoo kale waxa jiri karta sababo kale oo ay keeni karto xaalado kala duwan waxana aan halkan ku soo bandhigi doonaa sifooyinka uu Ninku ku jeclaan karo gaabdha laakiin wakhti dambe ka fogayn karta.

1.Gabadha wax walba ogolaata:

Gabadha mudiicada ah ee Ninka wax walba ka ogolaata waa mid uu nin walba ku riyoodo, waxana laga yaabaa in ayna gabadhu waxba ka diidin ninka kuna soo celin wax hadal ah, sidaas darteed Gabadha wax walba ka ogolaata Nin waa mid uu Nin walba jecelyahay laakiin Ragga qaar ayaa sheega in ay ka caajisaan gabadha wax walba ogolaata sidaas darteed waxa fiican in ay gabadhu waxyaabah qaar kala hadasho Ninka isla mrkiibana ayna iska ogolaan.

2.Gabadha Fiican:

Fiicnidu waa sifo ay Raggu ku jecelyihiin dumarka laaiin sifadaas ayaa muddo kadib keeni karta in uu Ninku isaga fogaado Ninka sababta oo ah waxa uu Ninku ka cabsanayaa in uu nabsi ka shaqaysto gabadha sidaas darteed waxa fiican in uu Ninku gabadha ku arko sifooyin kala duwan waliba ayna noqon qof isku dhex jira ah si uu Ninku u xiiseeyo.

3.Gabadha Diciifka ah:

Waxa uuna shaki ku jirin in uuna Nina doonayn gabadh awood leh sababta oo ah waxa ay Raggu doorbidaan dumarka jilicsan sababta oo ah waxa ay dareensiinaysaa Ragganimadiisa laakiin sidoo kale Ninku ma jecla Gabadha aadka diciifka u ah ee aan lahayn awood ay kaligeeda isku taagto waxana ay jecelyihiin dumarka leh isla weyna ay mararka qaar kor ugu qaadi karaan sharaftooda.

Isku soo wada duuboo ma jiro Nin jecel in ay Gabadhu ka badbadiso sifooyinka fiican ee ay Jecelyihiin Raggu laakiin waxa ay dorbidaan in ay Gabadhu lahaato shaqsiyada keenaysa in ayna ku caajisin.

Source link