Home Arimaha Bulshada Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa – Banaadirsom

Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa – Banaadirsom


Safarka Nolosha ee Gabadha, waxa laga yaabaa in ay la kulanto Nin xada qalbigeeda iyo waliba midka qoyskeeda aragtida ugu horaysa, waliba si weyn u soo jiidan kara kana heli kartowaliba soo jiidashadaas sabab u noqon karto sifo uu leeyahay Ninku taas oo soo jiidata gabadha aragtida ugu horaysa.

Hadaba Waxaaan halkan ku soo bandhigi doonaa sifooyinka Ninka soo jiita Gabadha iyo qoyskeedaba Aragtida ugu horaysa.

1.Ninka quruxda Badan:

Ninka quruxda badan ayaa xidha qalbiga Gabadha iyo Qoyskeeda kulanka ugu horeeya, sidaas darteed quruxdu waxa ay ka mid ah sababaha ugu weyn ee ay gabadhu kaga heli karto Ninka aragtida ugu horysa.

2.Ninka Labiska Quruxda Badan:

Labiska quruxda badan waa sifo kale oo uu Ninku ku xado qalbiga gabadha araga uu horeeya, sababta oo ah Labiska quruxda badan waa qayb muhiim u ah Ninka waxana ay sidoo kale cabirtaa shaqsiyadiisa sida Nasaafadiisa iyo in uu daryeelo jidhkiisa.

3.Dhoola Cadaynta:

Dhoolacadayntu waxa ay sixirtaa gabadha waxana ay dareensiisaa Amaan dhanka Ninka ah sababta oo ah waxa ay muujinaysaa in uu Ninku yahay mid si dhib yar loola macaamili karo waliba yahay Nin kaftan badan.

4.Ninka Indhaha Madaw:

Waxa aan uga jeednaa Ninka uu madawga yahay wiilka indhaha, waxana uu Ninkaas xadaa qalbiga gabadha marka ugu horaysa ee ay aragta sidoo kale Ehelkooda, indhaha madaw ayaa leh soo jiidasho weyn waxana ay ka mid yihiin sifooyinka Ninka le ay gabadhu ka helayso isla marka ay aragto.

Halkan Kaga Bogo sifooyinka kale ee Ninku ku soo jiito gabadha aragtida ugu horaysa:

  1. Qaabka uu u hadlo
  2. Fikiradiisa kala duwan
  3. Shaqiyada xoogan
  4. Sharaftiisa
  5. Runta ka hadalka

Source link