Home Arimaha Bulshada Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska...

Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas – Banaadirsom


Quruxdu Ninku ma ahan Tigidhka qalbiga Gabadha sababta oo ah mararka qaar dumarka ayaan ka helin Ninka quruxda badan iyada oo ay sabab u tahay jiritaanka sifooyin la xidhiidha shaqsiyadiisa oo ayna gabadhu ka helin waxana ay xitaa keentaa in ay Gabadhu nacdo ninka leh sifooyinkaas.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sifooyinka keenta in ay gabadhu ka fogaato Ninka quruxda badan:

1.Ninka Aan Ad-adkayn:

Maxay quruxda Ninku la macno tahay hadii uuna Ninku ahayn mid ad-adag oo ay ka muuqato Ragganimada dhabta ah taas oo xada qalbiga gabadha waliba Gabadh walba jeceshahay in ay Ka hesho Ninka ay doonayso in ay nolosha la wadaagto.

Gabadh walba waxa ay jeceshahay Ninka Ad-adag ee leh Raganaimada iyo sharafta taas oo farxad galisa gabadha.

2.Isla weynida:

Ninku hadii uu si walba u qurux badanyahay laakiin uu yahay Nin isla weyn dumarka ayaa ka baxsada mana jirayso gabadh u istaagaysa Ninka sifadaas lehsi walba oo uu u qurux badanyahay Sababta oo ah Gabadhu waxa ay ogtahay in uu Ninkaas kaliya arkayo naftiisa oo uuna cid kale arkayn waliba uu adkaanayo xidhiidhka ay la yeelato ninkaas.

3.Bilaa Ixtiraamka

Ninku si walba oo uu u qurux badanyahay hadii uuna Ixtiraamin gabadha ma ahan wax la aqbali karo dhinaca gabadha taas oo sabab u noqonaysa in ay Gabadhu isaga baxsato Ninka xitaa hadii uu qurux badanyahay sababta oo ah Ixtiraamku waa wax ay raadiso gabadh walba waliba ay jeceshahay in ay ka hesho Ninka ay doonayso in ay Nolosha la wadaagto.

4.Ninka Deg-dega Badan

Quruxda Ninku wax qiimo ah ma lahan hadii uu Ninku yahay mid deg-deg badan oo aan si fiican u qiimayn xaaladaha, waliba aan lahayn tayo uu ula dhaqmi karo dadka kale, waliba si deg-deg ah u fal celiya mar walba oo ay wax dhacaan hadii ay tahay khalad ama dhibaato isaga oo aan qiimayn xaalka.

5.Ninka Beenta Badan

Quruxda Ninku uma shafeeca qaadayso Dhinaca Gabadha hadii uu Been badanyahay sidaas darteed quruxdu Ninku wax qiimo ah ma lahan dhinaca gabadha hadii uu Ninu beenta sheeo sababta oo ah Beentu waxa ay dishaa xidhiidhka iyo kalsoonida laada qof umana fiicna Ninku in uu been badanyahay.

Source link