Home Arimaha Bulshada Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad...

Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta. – Banaadirsom


Gabadh walba waxa ay ka fikirtaa sifooyinka ay ku dooranayso Ninka ay Nolosha la wadaagayso ee ay tahay in ay ka hesho Ninka ka hor inta ayna guursan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sifooyinka ay Gabadh walba ka raadiso Ninka ka hor inta ayna go’aansan in ay is guursadaan.

1- Nin Aaamin ah:

Amaanadu waa sifooyinka ugu muhiimsan ee ay Gabadhu ka raadiso Ninka, sababta oo ah Amaanadu waxa ay xoojisaa raaxada gabadha iyo dareemisteeda xaalad aman ah sababta oo ah amaanadu waa arin daruuri ah oo ayna gabadhu iloobi karin.

2- Ninka Runta badan:

Runta ayaa ah sifooyinka ay gabadhu ka raadiso Ninka, sababta oo ah Ninka runta badan waxa uu boos weyn ku leeyahay qalbiga gabadha sababta oo ah runtu waa arin ay jeceshahay gabadhu mar walbana raadiso maxaa yeelay Ninka runta badan waxa uu ilaalin doonaa nolosha gabadha marka ay halis ku jirto.

3- Ninka Masuulka Ah:

Gabadh walba waxa ay raadisaa Nin Masuul ah sababta oo ah waxa ay doonayaa in garanaya waxa ay tahay in uu ka qabto xidhiidhka waxana ay jeceshahay Ninka masuulka ah ee dusha saaran kara wax walba oo ku saabsan xidhiidhkooda hadii ay yartahay ama weyntahay sidaas darteed sifooyinkan waa kuwa ugu muhiimsan ee ay raadiso gabadh walba.

4- Ninka Sharafta Leh:

Ka hor guurka gabadhu waxa ay dhinac walba ka eegtaa in uu Ninku yahay Nin sharaf leh waxana ay marisaa tijaabooyin badan iyada oo raadinaysa sida uu ninku u yahay nin sharaf leh oo ilaalin kara sharafteeda marka ay is guursadaan.

5- Nin Kalgacal leh:

Kalgacalka ayaa ah arin lagama maarmaan u ah gabadhu waliba ay u baahantahay waxana ay dumarka oo dhan Ninka ka raadiyaan in uu yahay Nin kalgacal leh oo siin kara jacaylka ay u baahantahay.

Source link