Home Arimaha Bulshada Sideed U Dhaqmeysaa Hadii Gabadha Aad Jeceshahay Ay Kaa Tagto? – Allsomali.net

Sideed U Dhaqmeysaa Hadii Gabadha Aad Jeceshahay Ay Kaa Tagto? – Allsomali.net


Waxa aan dhamaanteen u nugul nahay kala taga dadka aan jecelanahay, ala tagana waxaa laga yaabaa inay ka dhalato isku soo aruurinta kala duwanaanta xilliga xiriirkao laga yaabo inay gaarto heer qarax, hadii a dhacdo kala tag waxa aad ogaan doontaa in ay jirto dhibaato sababay kala taga, waana suurtagal in cudurdaar la bixiyo, laakiin waxa caqli gal ah oo cabsi ku abuura Ninka go’aan lama filaan ah oo lagu kala tagi karo isaga oo aan wax digiin ah helin waana arinta keenta in ay Raggu ka shakiyaan in Gabadha uu xidhiidhka kula jiray ay heshay Nin Kale laakiin xaqiiqada ayaa ah in ayna gabadhu doonayn in ay Ninka ka qayb dhigto nolosheeda.

Waxaa kale oo hubaal ah in Qadhaadhak kala Tagga ay dhibasadaan labada qof laakiin ay Inta badan Ragga saamayn ku yeelato ama qaa kale u saamayn karta noloshooda shaqsiga ah waxana ay keentaa in ay Raggu meel gaar ah isku xidhaan kana dhex baxaan dadka kale iyaga oo isku dayaya in ay dib u dhisaan xidhiidhkii bur-buray.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabaha ay tahay in aad samayso kadib marka aad kala tagtaan Gabadha aad jeceshahay si aad u sii wadatid noloshaada.

1.Ha U Dhaqmin In Aad Baahi Weyn U Qabtid:

In aad muujisid baahi aad u weyn waa sababta keeni karta in ay Gabadhu kaa fogaato, sababta oo ah ma jiro qof jecel in uu qofka kale mar walba u baahdo, Ha noqon mid aad u baahan waqti kasta sababta oo ah arintaas waxa ay keenaysaa in ay gabadhu lumiso xiisaha ay kuu qabto.

2.Jooji dhamaan xidhiidhada:

Hadii ay Gabadhu ku tidhaahd “waxa aad tahay qof baahi badan” waxa aad u baahantahay in aad joojisid dhamaan fariimaha iyo hadalka isku day in aad wakhti badan la qaadato Asxbaataada iyo qoyskaaga iskuna day in aad si joogto ah ula xidhiidho hadii ay kuu xiisto iyada ayaa kula soo xidhiidhaysa shaki la’aan.

3.Ha u dhaqmin sidii qof Niyad jabsan:

Hadii ay dhacdo in aad kula kulanto midkood shaqada ama saaxiib aad wada wadaagtaan, ha u muuqan mid niyad jabsan sababta oo ah arintan waxa ay gabadha siinaysaa dareen ah in aad u baahantahay.

4.wada hadal macno leh:

Muddo ka dib, weydiiso inay kula kulanto oo hubi inaanay waxba is beddelin. Weydii iyada sababta ay adiga kaaga tagtay, faham hadii ay cilad ku timid xidhiidhkiina, wadahadalku waxa uu muhiim u yahay xalinta khilaafaadka.

5.La kulan dumarka kale:

Hadii aanad dareeensanayn in ay gabadhu doonayso in ay mar kale xidhiidhka ku soo laabto, waa calaamad muujinaysa in aad qof kale raadsatid, isku day in aad la kulantid dumar cusub sababta oo ah waxa la gaadhay wakhtigii aad horay uga socon lahayd xidhiidhkaas.

Source link