Home Arimaha Bulshada Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan...

Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud. – Banaadirsom


Muran kuma jiro in erayga “waan ku jecelahay” uu ka mid yahay ereyada ugu muhiimsan ee aad ku soo jiidan karto qalbiga gabadha aad jeceshahay laakiin si aad uga gooyso wax shaki ah oo ku saabsan gabadha aad jeceshahay Waa inaad ku caddeysaa jaceylka aad u qabto adiga oo aan kaliya adeegsanayn kalmada “waan ku jecelahay”.

Hadaba waxa aan maanta halkan ku soo bandhigi doonaa Hadal ka awood badan Kalmada “Waan ku jecelahay” oo aad ku xidhan kartid qalbiga gabadha aad jeceshahay.

1.Waxaan diyaar u ahay inaan jacaylkeenna guto:

Mid ka mid ah weedhaha ugu muhiimsan ee gabadhu aad u jeceshahay in ay ka maqasho Gacaliyeheeda, ma jiro wax gabadha uga farxad badan in ay Gacaliyeheeda ka maqasho in uu gudan doono waajibaadka jacaylkooda waliba diyaar u yahay in uu talaabo u qaado arintaas una sheego in uu doonayo in uu guursado.

2.Waan ku cafiyey!

Haddii Gacalisadaadu samayso wax ay kugu adagtahay in aad aqbashid walba khalad gasho laakiin aad si dhib yar ugu sheegtid in aad iska cafisay waxa ay ka dhigaysaa mid si waali ah kuu jeclaanaysaa waxana ay ku siinaysaa qalbigeeda qaab shardi la’aan ah.

3.Kama waabanayo in aan naftayda kuu hurro:

Dumarka ayaa caadi ahaan aaminsan in ay in ay Raggu yihiin kuwo bakhayl ah sidaas darteed hadii aad gabadha u sheegtid in aad diyaar u tahay in aad darteed naftaada u hurtid waxa ay ku siinaysaa qalbigeeda.

4.Had iyo jeer waan ku ilaalin doonaa:-

Dumarka ayaa mar walba raadiya Nin ay ku tiirsanaan karto hadii ay noqoto ilaalada nafteeda ama arimaha kale ee nolosha sidaas darteed gabadha waxa ay aad ugu farxaysaa hadii aad u sheegtid in aad diyaar u tahay in aad ilaalisid waxa ay dareemaysaa kalsooni waxana ay kuu hibaynaysaa qalbigeeda.

5.Aad baan kuu xushmeeyaa:

Ixtiraamka labada isqaba waa mid aad muhiim u ah; Gaar ahaan, ixtiraamka ragga ee dumarka, sababta oo ah Ixtiraamka dumarku waa mid soo jiidata qalbiga gabadh walba sidaas darteed hadii aad Ixtiraam iyo xushamad u muujisid gabadha shaki la’aan si shardi la’aan ah ayay qalbigeeda kuu dajinaysaa.

Source link