Home Wararka Maanta Shirka Midowga oo musharaxiinta oo qarka u saaran in lagu kala tago...

Shirka Midowga oo musharaxiinta oo qarka u saaran in lagu kala tago iyo khilaaf…

Shirkii midawga Musharixiinta ee maanta Jazeera ku qabsoomay ayaa waxaa hareeyay khilaaf aad u ba’an oo sababi gaaray in shirka lagu kala tago.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Midawga Musharixiintu ay ka horyimaadeen in wax mawqif ah laga qaato doorashooyinka ka socda deegaanada Maamul goboleedyada oo ay musharixiintu u arkaan in ay ceeb ku tahay dimoqoraadiyadda iyo sharafta dawladnimada Soomaaliyreed.

Sida warar hoose oo aynu helayno sheegayaa waxaa in go’aan la qaato ka hor yimmid RW hore ee Xassan Cali Khayre iyo Sh Shariif Madaxwaynihii hore kuwaas oo ay musharixiinta kale tuhunsan yihiin in qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyadu la soo xiriireen.

Si shirku u badbaado ayaa xubnaha midawga musharixiintu isla garteen in shirku muddo sadex maalmood ah socdo.

Xubnaha midawga musharixiinta ayaa ku baraarugay laba arrimood oo kala ah.

1- In awooddii doirashada oo dhan, sida aqalka sare iyo kan hoosaba ay la wareefeen Madaxda maamul goboleedyada.

2- In ergooyinka aqalka hoose ee laga sugayay odayaasha dhaqanka ay 80% soo xulayaan maamul goboleedyda, taas oo si maldahan ugu qornayd warmurtiyeedkii 17 September, 2020kii.

Shaki kuma jiro in khilaaf ba’an uu soo kala dhexgalay Midawga musharixiinta iyo Maamul goboleedyada, taas oo mar kale keeni karta habacsanaan ku timaada doorashadii loo asteeyay in ay bisha October dhamaato.

 

Source link