Home Ciyaaraha Shaxda Ugu Xun Euro 2020 Ilaa Haatan Oo La Soo Saaray. –...

Shaxda Ugu Xun Euro 2020 Ilaa Haatan Oo La Soo Saaray. – banaadirsom

Waxa la gaadha Gaba-gabadii tartanka Euro 2020 iyada oo final-ka ama kulanka kama dambaysta ah la ciyaari doono maalinta Axada bari ah.

Xulalka England iyo Italy ayaa noqon doona labada xul ee nasiibka u yeeshay in ay isaga hor yimaadaan Final-ka tartanka Euro 2020 iyaga oo ku kala calaf qaadi doona kulanka ugu dambeeya.

Marka uu tartan bilaabmo waxa jira xiddigo soo bandhiga qaab ciyaareed cajiib ah iyo xiddigo ku fashilma in ay is muujiyaan si kasta oo ay u leeyihiin tayo iyo magac weyn

Shabakada Whosocred ayaa soo saartay shax ay ka samaysay xiddigihii ku fashilmay tartanka euro 2020 soona bandhigi waayay qaab ciyaareedkii laga filayay tartanka.

Xiddigahaas ayaa helay qiimaynta ugu xun intii uu socday tartanku inkasta oo ay magac weyn ku leeyihiin qaarada yurub iyo adduunkaba.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo shaxda ugu xun tartanka Euro 2020 oo la soo saaray.

Source link