Home Ciyaaraha Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray – Banaadirsom

Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray – Banaadirsom

Kooxda Man CIty ayaa gaadhay guusheedii ugu horaysay ee premier League iyaga oo 5/0 ku xasuuqday kooxda Norwich City xilli ay Liverpool guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah gaadhay premier League.

Kooxda chelsea ayaa dhankeeda dhulka ku jiray xiddiga Arsenal halka ay Man United ku hor kuftay kooxda Southampton xilli ay Tottenham sii wado guulaha premier League.

Kooxaha Brentford iyo Crtstal Palace ayaa bar-baro ku heshiiyey halka ay Leeds iyo Everton isku dhaafi waayeen bar-baro 2/2 ah kulan xiiso lahaaa.

Kooxda Aston Villa ayaa garaacday koxda Newcastle United halka ay West Ham ka badisay kooxda Leicester City kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxood 5 gool kala dhaliyeen.

Kadib todobaad xiiso lahaa Shabakada BBC ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka iyada oo kooxda chelsea ku leedahay xiddigaha ugu badan shaxda iyaga oo ku leh 3 xiddig.

Kooxaha Liverpool iyo Brighton ayaa shaxda ku leh min laba xiddig dhankooda halka kooxda Brenford, Man City, Tottenham iyo Everton shaxda ku leeyihiin min 2 xiddig.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Team of the week

Source link