Shaxda Ugu Fiican Todobaadka premier League Oo La Shaaciyay. – Banaadirsom

Todobaadkan waxa is badalay boosaska ugu sareeya ee horyaalka premier League iyada oo Man City hogaanka si buuxda ula wareegtay kadib markii ay 3/1 ku garaacday Watford.

Dhanka kale Liverpool ayaa daqiiqadii 94-aad dhalisay goolka guusha iyaga oo ka badiyay kooxda Wolves halka ay chelsea kaalinta 3-aad gashay kadib markii ay guuldaro kala kulantay West Ham.

Newcastle ayaa gaadhay guusheedii ugu horaysay iyaga oo garaacay Burnley xilli ay Burnley bar-baro la gashay Southampton daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Tottenham ayaa dhankeeda garaacday Norwich City xilli ay Man United iyo Ralf Rangnick wada gaadheen guushoodii ugu horaysay xilli ay Leeds iyo Brenford bar-baro ku kala bexeen.

Kooxda Aston Villa ayaa dhankeeda garaacday kooxda Leicester City xilli ay Arsenal guuldaro kala kulantay kooxda Everton.

Garth's team of the week: Ederson, Sanchez, Lascelles, Konsa, Bowen, Silva, Fred, Sterling, Salah, Origi, Wilson


Source link