Home Ciyaaraha Shaxda Ugu Fiican Tartankii Copa America Oo La Soo Saaray. – banaadirsom

Shaxda Ugu Fiican Tartankii Copa America Oo La Soo Saaray. – banaadirsom

Waxa la soo afjaray tartanka Copa America Sanadka 2021 kaas oo lagu qabtay dalka Brazil kaas oo socday muddo bil ah kana qayb galeen xulalka ugu awooda badan qaarada Southa America.

Xulka Argentina ayaa noqday xulka ku guulaystay tartanka sanadkan kadib markii ay garaaceen xulka marti galiyay tartanka ee Brazil kulankii ka dhacay garoonka Maracana.

Kadib dhamaadka tartanka waxa la soo saaray shaxdii ugu fiicnayd tartanka xiisaha lahaa ee la soo afjaray xalay subaxnimadii Axada wakhtiga Somaliya.

Xulka Brazil ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan inkasta oo laga qaaday koobka iyaga oo ku leh shaxda 4 xiddig halka xulka Ku guulaystay tartanka ee Argentina uu shaxda ku leeyahay 3 xiddig.

Xulalka Uruguay iyo Colombia ayaa dhankooda shaxda ku leh min 2 xiddig kadib markii ay kala galeen kaalinta 3-aad iyo 4-aad ee tartanka Copa Ameica

Image

Source link