Home Ciyaaraha Shaxda Ugu Fiican Ciyaaraha Olympic Oo La Soo Saaray – banaadirsom

Shaxda Ugu Fiican Ciyaaraha Olympic Oo La Soo Saaray – banaadirsom

Kadib dhamaadkii tartanka Euro 2020 iyo Copa America 2021 waxa haatan indhaha loo jeedinayaa ciyaaraha Tokyo Olympics kuwaas oo si gaar ah isha loogu hayn doono.

Xulalka ka qayb galaya tartanka ayaa isha ku haya ku guulaysiga bilada dahabka ah ee kubada cagta iyaga oo xushay xiddigohooda da’yarka ah ee ugu fiican kuna daray dhawr xiddig oo khibrad leh.

16 xul oo adduunka ah ayaa ka qayb qaadan doona tartanka waxana ay xiddigaha ka qayb qaadan doona u badan yihiin xiddigo ka yar da’da 23 jir ah.

Laakiin waxa ku jira xiddigo magac ku leh kubada cagta sida Pedri, Richarlison, Dani Alves Iyo Gabriel Martinelli kuwaas oo la daawan doono marka uu tartanku bilowdo.

Xulalka ugu waaweyn ee tartanka ka qayb qaadan doona ayaa ka mid ah Spain, Germany, Brazil & Argentina waxana uu tartanku bilaaban doonaa 21 bishan waxana uu socon doonaa ilaa 7 bisha August ee soo socotoa.

Ka hor bilaabashada tartanka warayska The Sun ayaa soo saaray shaxda laga sameeyay xiddigaha ugu fiican ciyaaraha Olympic Games.

The best XI of players taking part in this summer's Olympic Games, including Pedri

Source link