Home Ciyaaraha Shaxda Laga Yaabo In Uu Antonio Conte Ku Ciyaaro Arsenal Hadii Uu...

Shaxda Laga Yaabo In Uu Antonio Conte Ku Ciyaaro Arsenal Hadii Uu Shaqada Ka Badalo Mikel Arteta. – Banaadirsom

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayuu saaranyahay cadaadis waali ah waxana uu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Arsenal kadib guuldaradii Chelsea.

Antonio Conte oo haatan bilaa shaqo ah kadib markii uu ka tagay Inter Milan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal kuwaas oo doonaya in ay ku badalaan Mikel Arteta.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay la xidhiidhay Wakiilada Tababaraha reer Italy si ay u waydiiyaan in uu xiisaynayo in uu tababare u noqdo kooxda hadii ay shaqada ka caydhiyaan Mikel Arteta.

Wargayska Express Sport ayaa soo saaray shaxda laga yaabo in uu Antonio Conte ku ciyaaro hadii uu Shaqada ka badalo Mikel Arteta inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Halkan Kaga Bogo Liiska shaxda ay Arsenal ku ciyaari karto hadii uu Conte tababare u noqdo kooxda:

Ramsdale; White, Gabriel, Tierney; Maitland-Niles, Partey, Xhaka, Saka; Odegaard, Aubameyang, Smith Rowe.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link