Home Ciyaaraha Shaxda Laga Yaabo In Ay Xulalka Argentine & Brazil Isaga Hor Yimaadaan...

Shaxda Laga Yaabo In Ay Xulalka Argentine & Brazil Isaga Hor Yimaadaan Hadii Kooxaha Premier League Diidaan In Ay Xiddigohoodu Aadan Waajibaadka Xulalkooda.

Xulalka Brazil iyo Argentine ayaa soo cusboonasiin doona xafiiltankooda 5 bisha soo socota marka ay isaga hor iman doonaan kulan ka tirsan is reeb-reebka koobka adduunka.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay tan ilaa markii uu xulka Argentine ku garaacay Brazil koobka Copa America bishii July ee la soo dhaafay.

Labada xul ayaa laga yaabaa in ay ciyaari doonaan kulankaas iyaga oo ay ka maqan yihiin xiddigaha premier League sabab la xidhiidha in ay kooxaha premier League u diideen xiddigohooda.

Kooxaha premier League ayaa diiday in ay xiddigohooda u fasaxaan dalalka Argentine iyo Brazil sabab la xidhiidha xanuunka Korona kaas oo karantiil la galin doono xiddigaha aada.

Xiddigaha Emi Martinez, Giovani Lo Celso & Cristian Romero ayaa xulka Argentine ka maqnaan doona xulka qaraka Argentine halka uu xulka Brazil ka maqnaan doonaan xiddigaha Fred, Richarlison, Thiago Silva, Alisson, Firmino iyo Fabinho.

Hadaba Wargayska The Sun ayaa soo dhigay shaxaha ay xulalka Argentine iyo Brazil isaga hor iman doonaan kulankooda so socda hadii ay waayaan xiddigaha kooxaha premier League.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Brazil's possible starting XI to take on Argentina

Argentina's possible starting XI to take on Brazil

Source link