Home Ciyaaraha Shaxda Laga Yaabo In Ay Real Madrid Kaga Hor Timaado Levante, “BHB”...

Shaxda Laga Yaabo In Ay Real Madrid Kaga Hor Timaado Levante, “BHB” ayaa Hogaaminaya Weerarka Hogaaminaya – Banaadirsom

Kooxda Real Madrid ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Levante iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigo badan oo kooxda 1-aad ah waliba muhiim u ah kooxda.

Xiddigaha Dani Ceballos, Toni Kroos, Ferland Mendy, Marcelo iyo Luka Modric ayaa ka mid ah xiddigaha la hubo in ay seegi doonaan kulanka caawa ee horyaalka La Liga.

Zidane ayaa sidaas darteed ku tiirsanaan doona xiddigaha taamka u ah isaga oo doonaya in uu guushii 2-aad oo xidhiidh ah la gaadho kooxdiisa horyaalka La Liga.

Xiddiaha Bale, Benzema iyo Hazard ayaa la filayaa in ay ku bilowdaan weerarka Los Blancos iyada oo uu Ancelotti ku kalsoonyahay 3-daas xiddig waliba u calaamadsaday xiddigiisa ugu muhiimsan.

Hadaba Halkan Hose Kaga Bogo Shaxda ay Real Madrid ku soo gali karto:

Courtois; Vazquez, Nacho, Militao, Alaba; Valverde, Casemiro, Isco; Bale, Benzema, Hazard.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link