Home Ciyaaraha Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Caawa Kaga Hor Tagto West Brom,...

Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Caawa Kaga Hor Tagto West Brom, Shaqada Arteta-na Khatar Ayay Ku Jirtaa – Banaadirsom

Kooxda Arsenal ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda West Brom kulan ka tirsan Carabao Cup kulan ay Arsenal raadinayso guusheedii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka.

Kadib laba guuldaro oo ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka Tababare Mikel Arteta ayaa durba dareemaya cadaadis xoogan oo uga imanaya dhanka saxaafada.

Arteta ayaa la filayaa in uu ku soo galo shax adag si uu uga fogaado lama filaan iyo guuldaro ay kooxdiisu kala kulanto kooxda West Brom tartanka Carabao Cup.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in uuna Mikel Arteta fursad siin doonin kooxda West Brom waliba ku soo gali doono shaxdiisa ugu adag si uu guul uga gaadho kooxda.

Xiddiga Lacazette ayaa la filayaa in uu ku soo bilowdo shaxda kadib markii xanuunka Korona ku seegay kulamadii ay ilaa haatan kooxdu ciyaatray Goolhayaha cusub ee Real Madrid ee Ramsdale ayaa dhankiisa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda.

Xiddiga Martin Odegaard oo si toos ah ugu soo biiray Arsenal ayaa sidoo kale la filayaa in uu dhankiisa ku bilowdo shaxda Arsenal kadib markii uu seegay kulankii chelsea.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link