Home Ciyaaraha Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka...

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Maanta. – Banaadirsom

Kooxaha Arsenal iyo chelsea ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka dhici doona Emirates kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee xilli ciyaareedka premier League.

Labada kooxood ayaa ku jira laba xaalad oo kala duwan xilli ay Arsenal doonayso kuna qabsantahay in ay guul gaadho kadib guuldaradii ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Dhanka kale Chelsea ayaa ku jirta wakhti kalsooni ah kadib markii ay si qurux badan ku badisay kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Laakiin labada kooxood ayay ku jiraan xiddigo badan oo heer caalami ah kuwaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican horyaalka premier League iyo waliba adduunka.

ka hor kulanka adag ee maanta Ciyaar gacmeedka FIFA 22 ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee laada koxoood isaga oo adeegsanaya qaab ciyaareedka xiddigaha.

Kooxda Chelsea ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig halka ay kooxda Arsenal ku leedahay kaliya 4 xiddig oo waliba 2 ka mid ah yihiin xiddigo da’yar ah.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Image

Source link