Home Ciyaaraha Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka...

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulanka Final-ka Euro 2020 – banaadirsom

Xulalka Italy iyo England ayaa isaga hor iman doona kulanka final-ka Euro 2020 kulan ka dhici doona garoonka Wembley kulan xiiso leh oo si weyn loo sugayo.

Kulanka ayay isaga hor iman doonaan labada xul oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah soona bandhigay tartan cajiib ah tan ilaa markii uu bilowday tartanka Euro 2020.

Xulka Italy ayaa garaacay xulka Spain Semi-final-kii tartanka kadib markii ay 120 daqiiqo ciyaareen iyada oo uu xulka Italy ku badiyay rikoodhayaal.

Dhanka kale xulka England ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay xulka Denmark iyada oo ay sidoo kale labada xul isla gaadheen 120 daqiiqo kadib markii ay bar-baro 1/1 ah galeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.

Labada xul ayaa haysta xiddigo cajiib ah oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira waliba go’aamin kara kulanka final-ka ay isaga hor iman doonaan maalinta Axda.

Ka hor final-ka euro 2020 waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada xul iyada oo la soo xushay xiddigaha taamka u ah kulanka.

Xulka England ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig halka uu xulka Italy shaxda ku leeyahay 5 xiddig

Combined XI: ITA vs. ENG

Source link