Home Ciyaaraha Shaxda Ay Man United Ku Ciyaari Karto Kulanka Ugu Horeeya Xilli Ciyaareedka...

Shaxda Ay Man United Ku Ciyaari Karto Kulanka Ugu Horeeya Xilli Ciyaareedka Cusub. – banaadirsom

Man United ayaa haatanba suuqa xagaaga si xoogan u gashay iyada oo samaysay 2 saxiix sidoo kale la filayo in ay sii wado kharash garaynta lacagta ay ku xoojinayso kooxdeeda.

Mam United ayaa haataba dhamaystirtay saxiixyada Tom Heaton iyo Jadon Sancho kuwaas oo la filayo in ay saxiixyo kale kula soo biiraan banaadirsom ka hor inta uuna suuqa kala iibsiga xidhmin.

banaadirsom Man United ayaa haatan la filayaa in ay awooda saarto saxiixa xiddig khadka dhexe ah iyo waliba xiddig daafaca dhexe ah si ay u dhisto koox isku dheeli tiran ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Red Devils ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga Raphael Varane kaas oo la sheegayo in uu qarka u saaran yahay in uu ku biiro banaadirsom Man United xagaagan.

Sidoo kale Man United ayaa suuqa ka doonaysa xiddig khadka dhexe ah waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo badan oo ay ka mid yihiin xiddiaha Ruben Neves iyo Declan Rice.

Hadaba wargayska Mirrror Sport ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Man United kulanka ugu horeeya ee premier League xilli ciyaareedka cusub.

Shaxda Macquulka Ah Ee Man United:  Henderson, Wan-Bissaka, Shaw, Maguire, Varane, Rice, Pogba, Fernandes, Rashford, Sancho, Cavani.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

Source link