Home Ciyaaraha Shaxda Ay Liverpool Ku Ciyaari Karto Kulankeeda Ugu Horeeya Ee Xilli Ciyaareedka...

Shaxda Ay Liverpool Ku Ciyaari Karto Kulankeeda Ugu Horeeya Ee Xilli Ciyaareedka Cusub – banaadirsom

banaadirsom Liverpool ayaa ku fashilantay in ay difaacato horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore laakiin dhaawacyo ayaa door weyn ka qaatay fashilka Liverpool.

Jurgen Klopp ayaa inta badan ee xilli ciyaareedkii hore dhaawac ku waayay xiddigaha daafaca uga ciyaara ee Virgil van Dijk, Joe Gomez & Joel Matip.

Arintaas ayaa keentay in uu Klopp daafaca dhexe ka ciyaarsiiyo xiddigaha khadka dhexe ama xiddigaha da’yarka ah ee banaadirsom laakiin waxa ay ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee kala saraynta premeir League.

Liverpool ayaa suuqa xagaageeda ku bilaabatay xalinta dhibaatada daafaca iyaga oo la soo saxiixday xiddiga Ibrahima Konate kaas oo ay kala soo wareegeen banaadirsom RB Leipzig.

Reds ayaa sidoo kale la filayaa in ay samayso suuqa xagaagan hal saxiix oo cusub kaas oo ah khadka dhexe ah waxana ay aad u doonaysaa xiddiga banaadirsom Atletico Madrid ee Saul Niguez.

Hadaba wargayska Daily Mirror ayaa soo bnadhigay shaxda laga yaabo in ay Liverpool ku ciyaarto xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Konate, Robertson, Fabinho, Thiago, Saul, Mane, Salah, Firmino.

Source link